Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul soo laabasho waqti dambe ah ka gaadhay Newcastle United oo ay daqiiqaddii ugu dambaysay waqtiga dheeraadka ahaa ku garaacday Anfield kulan kusoo dhamaaday 2-1 oo ay si weyn ugu dabbaal-dageen.

Liverpool oo niyad-jabsan oo rumaysan in ay lumiyeen laba dhibcood oo kale oo ay barbarro gelayaan, ayaa waxa la baxsaday geesigooda da’da yar ee cusub ee Fabio Carvalho oo garsooraha oo afka ku haya siidhiga dhamaadka shabaqa ku hubsaday goolka guusha siiyey Liverpool, kaas oo dabbaal-deggiisa aan laga soo noqonin.

Newcastle United ayaa qaybtii hore gool qurux badan ku hubsatay shabaqa uu waardiyaha ka yahay Alisson Becker, waxaana ka dhaliyey saxeexa cusub ee Alexander Isak ee ay Magpies usbuucan kasoo iibsatay Real Sociedad, hase yeeshee Liverpool ayaa qaybtii labaad si weyn u dagaallantay oo keentay laba gool oo jamaahiirta kooxdaas ku qasbay inay qaylada joojin waayaan.

Liverpool ayaa nasiib lahayd oo u mahad-celisay garsooraha ciyaarta sababtoo ah waxa uu indho qudhaanjo ku eegay dhaqaaq uu sameeyey geesiga cusub ee Newcaste United ee Alexander Isak oo qaybtii labaad dhaliyey gool labaad, balse laga diiday markii la xaqiijiyey inuu offside faro ciddidood ah ku jiray.

Daqiiqaddii 38aad ayay Newcastle United hoggaanka ciyaarta ku qabatay kubbad uu Longstaff ka dhex saaray difaaca Liverpool oo uu u dhiibay Alexander Isak oo si fudud u weydaariyey goolhaye Alisson.

Weeraryahanka reer Sweden ayay ahayd kulankiisii koowaad ee Premier League  uu ciyaaro, iyo goolkiisii koowaad ee uu ka dhaliyo horyaalkan, waxaanu goolkiisu yimid  laba daqiiqadood kaddib markii uu Luis Diaz fursad dahabi ah ka khasaariyey Liverpool.

FIRMINO

Roberto Firmino ayaa Liverpool niyadda usoo celiyey daqiiqaddii 61aad, markaas oo uu dhaliyey goolka barbarraha ee Liverpool isaga oo laad dhulka socda ku toogtay goolka kaddib baas uu ka helay Mohamed Salah, iyadoo kubaddu ay dhawr ciyaartoy soo weydaaratay.

Daqiiqaddii 90+8 ayay Liverpool heshay goolka guusha oo uu u dhaliyey laacibka da’da yar ee Fabio Carvalho oo beddel kusoo galay, xilli ay Newcastle United ku doodaysay in waqtiga  ciyaartu dhamaaday maadaama shan kaliya lagu daray.

Daqiiqaddii 90+8 ayay Liverpool heshay goolka guusha oo uu u dhaliyey laacibka da’da yar ee Fabio Carvalho oo beddel kusoo galay, xilli ay Newcastle United ku doodaysay in waqtiga  ciyaartu dhamaaday maadaama shan kaliya lagu daray.

Carvalho

Tababaraha Newcastle ayaa ku cararay garsooraha si uu ula dagaallamo, hase yeeshee taasi waxba kama beddelin natiijada ciyaarta, waxaanay Liverpool guushu ku raacday 2-1.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here