MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa xalay saq dhexe ilaa saaka baraha bulshada aad ugu faafay sawir laga soo qaaday xalay sideed sax saq dhexe hooyooyin Soomaaliyeed oo laamiga jiifa xili ay dhibkaasi u marayaan qaadashada kaarka NIRA .
Sawirka ayaa banaanka keenay Fadeexad hor leh oo Dowlada Somalia ka soo wajahay habka qaadashada kaarka NIRA madaama Somalidu aad uga dagaalamaan in hooyooyinka la dhibaateeyo,Dowladu waxay hada u bareertay bahdilaada hooyooyinka Soomaaliyeed.
Waxaa suurtagal ah kacdoon shacab uu Muqdisho ka dhaco Madaaam marar badan wariyayaashu soo bandhigeen dhibaatada hooyooyinku ku qabaan qaadashada kaarka aqoonsiga muwadinimo ee NIRA hadana Madaxda sare aysan diyaar u ahayn inay wax ka qabtaan oo la xisaabtaan Hay’ada NIRA kuwa madaxda ka ah.
Inta nadan bulshada Soomaaliyeed ayaa ka xumaatay sawirka aan halkaan ku arki kartaan oo xalay saq dhexe laga soo qaaday hooyooyin Soomaaliyeed oo qaarkood ay suurtagal tahay in caruur ay ka soo tagteen kuwaasoo laamiga ku hurday madaama shaqadii ama adeegii laga sugayay Dowlada uu iska noqday wax aan tayo lahayn.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

