HomeCiyaarahaFADEEXAD:- Manchester United oo laga reebay koobka Carabao Cupka & Rikoor murugo...

FADEEXAD:- Manchester United oo laga reebay koobka Carabao Cupka & Rikoor murugo leh oo UTD ….

XIGASHO KOOXDA.COM

Manchester United ayaa si lama filaan ah looga reebay Carabao Cup, kaddib markii Brighton & Hove Albion ay 3-2 kaga adkaatay Old Trafford, iyadoo United qeybtii hore ciyaarta hoggaanka ku haysay laba gool, United ayaa ciyaarta ku bilaabatay si xooggan, waxaana ay 10-kii daqiiqo ee ugu horreeyay ku dhalisay laba gool. Shea Lacey ayaa Manchester United hoggaanka u dhiibay, ka hor inta uusan Mason Mount dhalin goolka labaad, taasoo kooxda ka dhigtay 2-0.

Laakiin Brighton ayaa ka jawaabtay ka hor inta aan la aadin qeybta nasashada. Charalampos Kostoulas ayaa hal gool u soo celiyay Brighton, iyadoo ciyaartu qeybta hore ku dhammaatay Manchester United oo 2-1 hoggaanka ku haysa.

Qeybtii labaad ayaa xaaladdu si weyn isu beddeshay. Pascal Gross ayaa Brighton u dhaliyay goolka barbaraha, halka Maxim De Cuyper uu shan daqiiqo gudahood kadib Gross dhaliyay goolka saddexaad, kaasoo Brighton u horseeday inay 3-2 ku badiso.

Goolka De Cuyper wuxuu yimid daqiiqaddii 70-aad, waxaana Manchester United ay awoodi weyday inay jawaab kale ka keento kulanka.

Guuldarradan ayaa Manchester United u ahayd mid taariikhi ah. Sida lagu sheegay warbixinta, waxay ahayd markii ugu horreysay tan iyo 1984 ee United ay Old Trafford ku lumiso ciyaar ay qeybtii nasashada hoggaanka ku haysay.

Markii ugu dambeysay ee arrintan ka dhacdo Old Trafford waxay ahayd May 1984, markaas oo Ipswich Town ay 2-1 kaga adkaatay United. Warbixintu waxay sheegaysaa in tan iyo xilligaas ay jireen in ka badan 550 kulan oo gurigeeda ah.

Guuldarrada Brighton waxay sidoo kale soo afjartay rikoor kale oo dheer oo Manchester United ah, maadaama ay ahayd markii ugu horreysay muddo 50 sano ah oo kooxda ay gurigeeda ku guuldarreysato kulan ay laba gool ku hoggaaminaysay


XIGASHO KOOXDA.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -