HomeWarkiiFadeexad mar kale lagu helay qaar ka mida dhalinyarada Soomaalida ee Mareykanka...

Fadeexad mar kale lagu helay qaar ka mida dhalinyarada Soomaalida ee Mareykanka ku dhaqan.

MINNESOTA (DAYNIILE.COM)-Kadib fadeexadii Soomaalida qaarkood hore uga qabsatay dalka Mareykanka gaar ahaan Minnesota xiligii uu faafi jirey feyruskii ama cudurkii Covid 19 ee 2019-kii dhamaadkiisa ayaa waxaa hada mar kale Mareykanka laga soo sheegayaa fadeexad kale oo ay wajaayaan qaar ka mid ah dhalinyarada kuwaasoo loo heysto inay malaayiin doolar lunsadeen.

Wararka ayaa tilmaamaya in qaar ka mid ah dhalinyarada Mareykanka ku dhaqan ay Dowlada qanaaraas ahaan uga qaateen inay dib u dejin u sameynayaan Soomaalida darbi jiifka ah iyadoo mashruucaan ay Dowlada Mareykana ku bixisay malaayiin doolar.

NGO-yo kala duwan oo dhalinyarada Soomaalida ay sameysteen oo qaarkood ay ku jiraan kuwo isla dhashay ayaa hada waxaa soo baxaya in Soomaalida ay inta badan mashruucan musuq maasuqeen.

Dowlada Mareykanka ayaa soo saartay liiska magacyada 8 Soomali ah kuwaasoo ku eedeeysan inay lunsadeen malaayiintii doolar ee ay qandaraaska ugu qaateen inay wax ugu qabanayaan Soomaalida darbi jiuifka ah ee waliba hoy la’aanta ah kuwaasoo ku hoyda wadooyinka iyo meelo aan munaasin ahayn.

Magacyada  Soomaalida la soo eedeeyay waxaa ka mid ah laba wiil oo isla dhalatay sida warbixinta lagu sheegay, iyo koox kale oo laga xusay Axmed Maxamuud, Mukhtaar Xassan,Mustaf Dayib iyo Qaalid Axmed Dayib.

Musuq maasuqii hore oogu eedeeyay Soomaalida xiligii cudurkii Covid 19 kuwaasoo tiradoodu dhameyd ku dhawaad 80 ruux ayaa waxyaabihii lagu eedeeyay waxaa ka mid ahaa in raga qaarkood diyaarad iyo daaraba ay ku iibsadeen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -