MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War goor dhaw ka soo baxay Mareykanka lagu eedeeyay Dowladda Federalka Soomaaliya inay ka danbeyso dhac ama boobka Bakhaaro la dhigay gargaar loogu talo galay shacabka Soomaaliyeed.
Mareykanka warbixintiisa waxaa lagu cadeeyay in 76 metrics tons la boobay xili durba baraha bulshada la soo geliyay bakhaarada sida loo jabsaday waana arin ceeb weyn ku ah Dowlada iyo Somaliweyn.
Dowlada Mareykanka waxay durba ku hanjabtay ineysan aqbali karin boobka gar-gaarka loogu talo galay dadka danyarta ah.
Si kastaba Masuuliyiinta Dowlada ayaa lagu wadaa inay degeeg uga hadkaan eedeyntaas culus
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
