HomeWarkiiFADEEXAD: Mareykanka oo musuq maasuq dartiis u goostay mushaarkii iyo qalabateyntii Ciidamada...

FADEEXAD: Mareykanka oo musuq maasuq dartiis u goostay mushaarkii iyo qalabateyntii Ciidamada Danab.

Warar isasoo taraya ayaa sheegaya in Mareykanka uu si rasmi ah u goostay mushaarkii uu siin jirey ciidamada Danab oo ay iyagu tababareen islamarkaana agab iyo mushaarba siin jireen.

Wararka ayaa tilmaamaya in Mareykanku ka carooday musuq maasuq lagu sameeyay qalab milateri iyo taageero gaar ah oo uu soo gaarsiiyay ciidamada Danab ee saldhigooda ugu weyn uu yahay garoonka diyaaradaha Bali-doogle, Mareykanka waxay shaaciyeen inay ka war heleen in suuqyada Somalia lagu kala iibsaday qalabkii ay ugu talo galeen ciidamada.

Ciidamada Danab oo ah ciidamo laf dhabar u ah Milateriga Somalia iyo howlgaladooda ayaa hada la sheegayaa inay meel cidlo ah ku soo dhaceen oo wax taakuleyn aysan heysan,warar kale ayaa tilmaamaya in Dowlada Somalia hada la wareegtay masuuiiyada ciidamadaasi iyo mushaar siintooda.

Dhanka kale mushaar jaridaan la xiriirta ayaa sheegaya in talaabada Mareykanku qaaday ay tahay mid la xiriirta go’aamadooda dalal badan oo dunida ah uga goosteen dhaqalihii ay ku bixin jireen taasoo ah siyaasada hada Trump la yimid.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -