Fadeexado xoog leh ayaa kasoo baxaya Wasaarada Maaliyada oo ay galayaan xubnaha idman ee Madaxweyne Xassan Sheekh magacowday iyo HantiDhawraha guud, taas oo muujinaya musuqmaasuq sii laba qarxaya.

1- Canshuuraha Bariga ee wasaaradda Maaliyada ee gobalka Banaadir oo ay kasoo xaroon jirtay, $12Malyan oo Dollar bishan waxaa laga arkay $4 Malyan oo Dollar, lacagta maqan ayaan kubaaqan shacabka, balse gashay gacanta xubnaha Madaxweynaha daacada u ah, la xisaabtankeedana uu eeday wasiirkii Maaliyadu, 12 Buug oo saxiixan ayaa suuqa lala galay oo Canshuur Jarid ah, taas oo hareer marsan nidaamka dhaqaalaha.

Advertisement

2- Nidaamka Canshuuraha iyo dhaqdhaqaaqa Maaliyada ee SFMIS ayaa gabi ahaanba ladamiyey, markii 2-aad lacagaha soo galay intuu dansanaa gacanta wasaaradda Maaliyada lama galinin, waxayna ku baxday meel dhexe oo aan laheynin, SFMIS: waa Nidaam lasocodka oo Caalamka iyo Soomaaliya loo wada jeedo wixii soconaya waase la damiyey.

3- HantiDhawraha Guud iyo Agaasimaha Dakhliyada ee wasaarada Maaliyada ayaa gabi ahaanba saxiixa la socodka Xisaabaadka ka wareejiyey Agaasimaha waaxda Canshuuraha bariga ee dhawaan la magacaabay.

4- Xaafiiska Xisaabiyaha guud oo daacad u ah Madaxweynaha, ayay maanta saf u galeen lakulankiisa, xubnaba wasiiradda ee wasaarada Maaliyada kumagacaaban iyo masuuliyiinta Wasaaradda ee ka sareeya Xisaabiyaha, cabsi ay awoodiisa ka qabaan awgeed.

5- Agaasimaha Dakhliga Guud, ayaa la siiyay awooda Ogaanshaha iyo la socodka waxa baxaya iyo soo galida, iyadoo nidaamka caalamka Somalia kuheshiiyeen laga dhuumanayo.

6- HantiDhawraha Guud ayaa bilaabay wicida Agaasimayaasha wasaaraddaha iyo Madaxa maamulka iyo Xisaabadka ee wasaaradaha isagoo weydiinaya dhaqaale toos ah, haddii kale eedo musuqmaasuq ugu hanjabaya, tani waa hab casri ah oo dhaqaale abuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here