Fadlan Badbaadi Dayniile Qof walboo uu Garey qoraalkan

Xaafado katirsan degmada Dayniile waxaa soo gaaray duufaantii fidnada aheyd ee ciyaal weero , waxaana hada laga cabsi qabaa in Dayniile kamid noqoto goobaha ugu daran ee ka howlgalaan ciyaalkan haddii aan tallaabooyin degdeg ah oo kahor tag ah la sameyn.

Xaafadaha Raadeelka iyo Owdweyne ayaa habeenadan waxaa lagu arkayaa dhallinyaro wata baangado iyo tooshash waa weyn, kuwaa oo howlgala waxii saqda dhaxe ka dambeeya, waxa ayna ciyaalkan oo marka hore isku boojeeya taraq ciyaar xilliga dambe lasoo baxaan baangado iyo tooshasha iyaga oo beegsada mootooyinka xilliga dambe socda iyo dadka taajudka u socda.

Ciyaalkan in ay yihiin Musiibo lasoo abaabulay waxaa kuu cadeenaya waxa ay beegsadaan dadka ilaahey dartiis hurdada uga soo toosay ee u socda masaajida si ay usoo cibaadeestaan ilaahna u baryaan.

Waxaa xusid mudan in ciyaalka weerada ay kasoo toosayaan guryaheena qaarkood, halka kuwa kalana ay daris nala yihiin, walaal haddii aadan gacan ka geesan qabashada iyo kahor taga ciyaalkan fidnada ah, waxaa imanaeysa in ay beri adiga ku dhibaateen doonaan ama qof ehelkaaga wax garasiin doonaan.

Fadlan aan kahor tagno ciyaalkan fidnada ah inta aysan nagu faafin awood badana yeelan, dhallinyarada iyo akhyaarta kunool Dayniile gaar ahaan xaafadaha ciyaalkan ka howl bilaabeen in ay sameeyaan abaabul ka dhan ah kooxdaasi si fidnadooda looga hortago.

Haddii aan wax laga qaban ciyaalkan waxaa dhici doonta in la waayo Mooto Dayniile soo gasha habeenkii sidoo kale la waayo dad habeenkii socda ama cibaado aada, waxa ayna sii sababi doonaan in xaafadaha qaar iyaga looga qaxo sidoo kale usii gudbaan in guryaha ugu galaan caruurteena iyo gabdhaheena kaddibna dhibaateeyaan.

Fadlan hadda ayey ciyaalkan kusoo kordhay Dayniile wax ka qabasho leeyihiin ee haloo istaago maamul, iyo bulshada intaba , waxaana ka codsaneynaa ciidamada ammaanka in ciyaalkan wax ka qa btaan oo kuwii ay xiraan dib usoo deyn un agudbiyaan xabsiga dhaxe si fidnadooda looga hortago.

Haddii la waayo ciidan ciyaalkan wax ka qabta waxaan ku baaqayaa in dhallinyarada samadoonka ah is abaabulaan si ay ciyaalkaasi uga hortagaan una ciribtiraan, waxaana culimada ka codsaneynaa in iyana ciyaalkan la hadlaan waalidkii dhalay haddii ay ceshan waayaana ka habaaraan masaajida si fidnada ciyaalkan ilaah uga qabto.

Fadlan ka qeyb qaado kahor taga fidnada Ciyaalkan oo share garey qoraalkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here