Maxkamadda Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta fulisay xukunkii qisaasta ahaa ee horay loogu riday eedeysane Maxamed Aadan Isaaq, kaas oo lagu helay dambiga dilka marxuum Sadiiq Ibraahim Axmed.
Xukunka ayaa ka dhacay fagaaro ku yaalla magaalada Baraawe, halkaas oo ay isugu yimaadeen dadweyne fara badan oo muddaba sugayay in la fuliyo qisaasta.
Sidoo kale masuuliyiin iyo saraakiil ciidan ayaa goobjoog ahaa, sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa dhaqaatiirta kala xaqiijisay inuu dhintay ninka la qsisaasay.




