Fahad Yaasiin ayaa oo ka mid ah mucaaradka Dowlada ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, inuusan dooneyn inuu ilaaliyo danaha Soomaaliya ee gudaha iyo kuwa dibaddaba intaba.
Wuxuu xusay in Dowladu ku adagtahay inay kala saarto dadka u dhaw iyo kuwa shisheeyaha ah, Fahad Yaasiin wuxuu carabka ku adkeeyay in Madaxweyne Xassan kuwii dibada uu u adeegayo halka kuwa gudahana uu iyaga culeys saarayo.
Sidoo kale Agaasimihii hore ee NISA wuxuu ku eedeeyay Dowlada hada jirta ay hoos u dhigtay qiimihii qaranimada.
“Halku dhiga Madaxweyne Xasan waa Soomaali xaraash ah, dunidiina kala xadayso” ayuu yiri Fahad Yaasiin
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
