Agaasimihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu goor dhaw soo saaray wuxuu ku weeraray Madaxweyne Xasan isagoona ku qabsaday qodobo muhiim ah oo doorashada ku saabsan,isagoona ku eedeeyay inuu Gobolada Dalka qaarkood xaqiray,xili sidoo kale doorashada uu ku tilmamay qof iyo qasab.
Haddaba Qoraalka Fahad Yaasiin oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
𝐃𝐎𝐎𝐑𝐀𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 𝐐𝐎𝐅 𝐈𝐘𝐎 𝐐𝐀𝐒𝐀𝐁
Madaxweyne Xasan waa inuu ka cadurdaartaa inkiraadda taariikhda gobollo dalka ka mid ah. Xilka loo dhaariyey sow Madaxweynaha Jamhuuriyada maahan?
Madxaweyne Xasan, guulaha taariikhiga ah ee ay Somaliland ka gaartay doorasho qof iyo cod ah umaba aqoonsana guul ay umaddiisu leedahay! Puntland doorashdii qof iyo codka ahayd ee ay qabteen uma yaqaano guul ay shacabkiisu hanteen.
Khudbaddii Madaxweynaha ee xalay wuxuu muujinayay farxad iyo faan xadka dhaafay. Waxaan ka yaabay, marna ma soo hadal qaadayo Puntland iyo Somaliland oo ah laba maamul oo hirgaliyey doorasho si buuxda u haysatay sharciyad iyo ogolaansho.
Puntland markay qabaneysay doorashadaas Madaxweyne Xasan waa kii ku handaday inay burburayso, maantana wuu dafirayaa taariikhdooda.
Nasiib darro Madaxweynihii Jamhuuriyada wuxuu ku faanayaa doorasha dhan walba ka dhaawacan, QOF iyo QASAB ku dhisan oo hal magaalo kaliya ah.
