HomeWarkiiFahad Yaasiin "Mucaaradku wey ka gar daran yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh"

Fahad Yaasiin “Mucaaradku wey ka gar daran yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh”

La taliyihii hore ee Amniga Qaranka Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu mar kale ku dhaliilay siyaasada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku wajahayo doorashooyinka dalka isagoona ku tilmaamay howl isagu kaligiis iska wayo marka loo eego ereyada uu adeegsaday wuxuuna cinwaan uga dhigay  qormadiisa Doorashada anaa gadhay, anaana gadhisdhay
 Fahad Yaasiin wuxuu qoramdiisa cinwaanka kadib ku bilaabay in Mucaaradku  ka gar daran yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh hadaba aad garato dulucda warka  Fahad Yaasiin halkan ka akhriso isagoo sidiisa u qoran:-
𝗗𝗢𝗢𝗥𝗔𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔 𝗔𝗡𝗔𝗔 𝗚𝗔𝗗𝗛𝗔𝗬, 𝗔𝗡𝗔𝗔𝗡𝗔 𝗚𝗔𝗗𝗛𝗜𝗦𝗗𝗛𝗔𝗬!
Mucaaradku wey ka gar daran yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh. Natiijada doorashada inay aqoonsadaan loogama baahna. Dhaqaale Qaranku leeyahay lama galinin. Waa dukaan Odayga kaligiis u furan.

Madaxweynaha haloo dhaafo xafladdiisa arooska inuu siduu doonayo u dhigto.

Gudiga doorashada kaligiis ayaa dhistay. Miisaaniyadda ku baxaya doorashada kaligiis ayaa jeebkiisa ka bixiya. Xisbiyada tartamaya kaligiis ayaa iska leh. Dowlada Federaalka iyo Beesha Caalamka wax dhaqaale ah kuma darsanin.

Odayga, wuxuu na leeyahay, anaa gadhay, anaana gadhisdhay ee qaylada iga dhaafa. Waa gartiis ee codka hoos halooga dhigo.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -