HomeWarkiiFahad Yaasiin oo amaan kala dul-dhacay Laas-caanood iyo Madaxweyne Xassan

Fahad Yaasiin oo amaan kala dul-dhacay Laas-caanood iyo Madaxweyne Xassan

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Agaasimihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta ka hadlay munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari C/qaadir Firdhiye taasoo Laascaanood ka socota maanta.

Fahad Yaasiin wuxuu uga mahadceliyay Madaxweynaha Somalia ka qeybgalkiisa caleema saarkaasi ,sidoo kale wuxuu amaan u soo jeediyay Magaalada Laas-caanoodoo uu ku tilmaamay Magaalo Midnimada Somaliya xudud u ah.

“𝗟aas-caanood  Xuddun midnimo kaliya maahan ee waa magnadka mideeyey Sacuudi, Turki, Suudaan iyo Soomaali, haka gaarto mahad badan 𝗛𝗮𝘆𝗯𝗮𝗱𝗹𝗲 Xasan Sheekh Maxamuud”ayuu ku yiri Fahad Yaasiin qoraal uu soo dhigay barihiisa bulshada.

Agaasimihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo aad ugu wanaahsan waqtiyadaan doorashooyinka markii la soo garo,sanadkaan wuxuu ka tirsan yahay Xisbiga Heybad Qaran isagoo u ol-oleynaya inuu Kursiga Madaxweynaha qaato Hogaamiyaha Xisbigaasi Cabdi  Faarax Shirdoon Saacid oo Ra’iisulwasaaraha Somalia soo noqday xiligii hore ee Madaxweyne Xassan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -