HomeWarkiiFahad Yaasiin oo ka shifay sir ku saabsan talaabo qaldan uu qaaday...

Fahad Yaasiin oo ka shifay sir ku saabsan talaabo qaldan uu qaaday C/raxmaan Cirro

Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa ka shifay sir ku saabsan talaabo qaldan uu qaaday C/raxmaan Cirro oo ah Madaxweynaha Maamulka Somaliland inkastoo uusan si bayaan ah u carabaabin
Fariinta oo masuulkaani ku soo gudbiyay barihiisa bulshada ayaa u qorneyd sidan:-
𝐅𝐀𝐑𝐑𝐈𝐈𝐍 𝐊𝐔 𝐒𝐎𝐂𝐎𝐓𝐎 𝐌𝐀𝐃𝐀𝐗𝐖𝐄𝐘𝐍𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈𝐑𝐀𝐗𝐌𝐀𝐀𝐍 𝐂𝐈𝐑𝐑𝐎

Mudane Madaxweyne, waxaad og tahay kurisga aad ku fadhido ku dhawaad 20 sano ayaad sugaysay. Alle baa ku gaarsiiyey. Xanta la sheegayo haddii ay run noqoto, waxaad dhaawacaysaa magacaaga iyo taariikhdaada, lamana hubo inaad ku gaarayso danta aad leedahay. Maamulka Somaliland ha usoo jiidin mahadho aan magaceeda ka harin qarniyaal.

Laga soo bilaabo Madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur ilaa Madaxweyne Muuse Biixi, tallaabo aysan ku dhaqaaqin adigu haku dhiiranin. Heshiiskii Muuse Biixi uu badda ugu saxiixay Itoobiya, wuxuu noqon doonaa i qarso, waana la ilaawi doonaa haddaad ku kacdo falka la sheegayo. Madaxweyne Cabdiraxmaan, fadlan, khaladkaan ha galin oo kun jeer ka fiirso.

Haddii aad Somaliland aqoonsi u rabto, cad quureed iyo magac xumo ha usoo jiidin dadkaaga iyo Muslimiinta oo idil, adigana magacaaga ha tirtirin. Tallaabada aan ka digayo ciddii la socota unbaa fahmaysa warkayga, laakiin qofkii aanan ogayn, sabab uma noqonayo inaan ka dhigo wax iska caadi ah.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -