MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw Agaasimihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin ayaa sheegaya inuu maanta ku soo wajahan yahay Magaalada Muqdisho oo ah caasimada dalka madaama dalku galay xaalad kala guur xili uu ka tirsan yahay Xisbiga Madasha Midowga Heybadda Qaran oo uu hogaamiyo Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faraax Shirdoon Saacid.
Wararka ku saabsan imaanshaha Fahad Yaasiin ayaa intaasi ku daraya inuu dhawaan Muqdisho uga qeybgeli doono munaasabad lagu shaacin doono musharaxnimada xilka Madaxweynaha ee Hogaamiyaha Madasha Midowga Heybadda Qaran Cabdi Faraax Shirdoon Saacid.
Kooxaha qaban qaabinaya munaasabadaan ayaa la sheegayaa inay doorteen in munaasabada ay ka dhacdo Hoolka Sahal ee Muqdisho kaasoo ah kan ugu weyn Magaalada islamarkaana dadka ugu badan qaadi kara waana halka inta badan Madaxweyn Xasan ku qabsan jirey munaasabadaha intuu mucaaradka ahaa iyo hada uu Madaxweyne yahay intaba.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Xisbiga Heybad Qaran uusan wali Dowlada ka helin ogolaanshaha qabashada shirka ama munaasabada ay doonayaan inay musharax Saacid ku soo bandhigaan.
Dhanka kale Imaanshaha Muqdisho ee Fahad Yaasiin ayaa noqoneysa markii ugu horeysay tan iyo markii uu Muqdisho ka baxay sanadkioi 2022-kii markaasoo ay dhacday Dowladii Farmaajo oo uu isagu ka tirsanaa dhowrn xilna ka soo qabtay sida La taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha iyo Agaamisaha nabad sugida iyo sirdoonka qaranka
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
