Ciidanka BNDF AUSSOM ee saldhigga militariga Mahaday ayaa maalin ka hor roondo wadajir ah la fuliyay Ciidanka Amniga Soomaaliya iyo kuwa macawisleyda ee deegaanka sida aan ka soo xiganay taliska AUSSOM.
Roondada oo laga sameeyay jihada buundada Webiga Shabeelle ayaa daboolay magaalada Mahadday iyo waddooyinka muhiimka ee dhaca nawaaxiga Wabiga Shabeelle.
G.Sare Leonidas Niyonkuru, Taliyaha Guutada 73-aad ee AUSSOM ayaa sheegay in roondada looga gol lahaa qiimaynta amniga maxalliga ah isagoo xusay in dadka deegaanka ay u kala gooshayeen si aan dhib lahayn. Taliyaha SNA, Gaashaanle Aadan Abubakar ayaa xoojiyay doorka roondada ee xaqiijinta badqabka bulshada.
Gaashaanle Désiré Ndihokubwayo oo ah madaxa Hawlgallada AUSSOM ayaa mar kale xaqiijiyay sida AUSSOM ay uga go’an tahay ilaalinta shacabka, wiiqidda halista Al-Shabaab iyo taageeridda Ciidanka Amniga Soomaaliyeed xilli ay si horumar leh ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga qaranka Soomaaliya.





