MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Agaasimihii hore ee Hay’ada NISA Fahad Yaasiin ayaa saaka lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho kadib markii uu ka soo degay garoonka Adan Abdulle International Airport halkaasoo uu ku gacan qaaday siyaasiyiin iyo dhalinyaro.
Siyaasiyiinta la socday Fahad Yaasiin waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed iyo Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed kuwaasoo dhamaantood ay iskala tirsan yihiin Xisbiga Haybad-Qaran.
Sida aan saaka wararkeena idinkula wadaagnay Fahad Yaasiin wuxuu Muqdisho u yimid inuu ka qeybgalo munaasabad ay Khamiista qabsanayaan Xisbiga Haybad Qaran ,munaasabadaan ayaa noqoneysaa isu imaatinka koowaad ee Xisbigaan iyo daahfurkiisa.
Sidoo kale munaasabada waxaa si rasmi ah looga dhawaaqi doonaa in Hogaamiyaha Xisbiga Haybad-Qaran Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu yahay Musharax Madaxweynaha Somaliya madaama Bisha May ee sanadkaan dalku doorasho aadayo sida heshiisku ahaa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
