Agaasimihi hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka xiligi Dowladii Farmaajo ayaa goor dhaw baraha bulshada ku soo gudbiyay qoraal uu kaga hadlayo arinta Markabka iyo sidoo kale talaabooyinka siyaasiyiinta mucaaradka ay qaadaan.
Hadaba halkaan ka akhriso Qoraalka Fahad Yaasin oo sidiisa u qoran:-
Fariinta Koowaad: Madaxweynaha Puntland Saciid Deni wuxuu musharax u yahay xilka madaxtinimada heer federaal, haddana wax qadarin uma hayo Dowladda Federaalka, isagoo Puntland kaliya xukuma haddii uu sidaas sharciga ugu tumanaayo maxaa laga filan karaa mustaqbalka? Waa nasiib darro inaysan u kala saarnayn khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan iyo awoodda sharci ee dowladda dhexe.
Fariinta Labaad: Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, si sahal ah waraaqo wey u soo saari karaan marka ay kasbanayaan dareenka Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, laakiin, wey ka aamusayaan marka Dowladda Federaalka laga gardaran yahay.
Waa muhiim inay muujiyaan dareen qarannimo, ayna Dowladda Federaalka garab istaagaan marka la afduubanayo hanti ay Dowladda Federaalka si sharci ah ku fasaxday.
