Fahad Yaasiin oo qoraal soo dhigay baraha hulshada ayaa ka hadlay weeraro siyaasadeed oo Madaxweyne Xassan uu u geystay siyaasiyiinta ka aragtida duwan balse uu iloobay .
Qoraalka Fahad Yaasiin oo sidiisa u qoran halkaan ka akhrso
Sanadkan kaliya weerarkii Wardhiigleey ee lagu dilay ilaalada madax hore wuu hilmaamay
Madaxweyne Xasan Sheekh, muddo xileedkiisii hore inta guri ee uu ku beegsaday siyaasiyiin wuu ilaaway.
Sanadkan kaliya weerarkii Wardhiigleey ee lagu dilay ilaalada madax hore wuu hilmaamay. Wasiirkii hore ee Awqaafta ee uu xiray dorraad iyo odayaashii dhaqanka ee uu xabsiyada u taxaabay ma xusuusto. Weerraradii Jubaland lagu qaaday ee looga soo adkaaday kama warqabin ayuu leeyahay Madaxweynuhu. Ilowsha dhawaa!
Tan ugu daran ee uu ilaaway waa ciidankii uu kala qaybiyay ee dowladdii jirtay uu Mirinaayo u soo fariistay.
Madaxweyne, fadlan halka qodob ee muhiimka ah inaadan ilaawin waa waxa ku sugaya 16ka May 2026, haddii aad heshiis la’aan xafiiska sii fadhido.
