Agaasimihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISAΒ  Fahad Yaasiin ayaa ka hadlay dhacdadii xalay Muqdisho lagu laayay saraakiil ka tirsan Imaaraadka Carabta.

Fahad Yaasiin oo qormadiisa cinwaan uga dhigayΒ Β β€œπƒπ€π˜π€π‚ π€πŒππˆ πŒπˆπ’π„ πƒπ€π˜π€π‚ π‡πŽπ†π†π€π€πŒπˆπ?”  ayaa sidan u qornaa:-

Advertisement

Xerada Janaraal Gordan oo kamid ahaa xarumaha ugu amniga adkaa in saraakiil Xoogga Dalka iyo tababarayaal ajnabi ah lagu dhex shirqoolo waa fal ugub ku ah sooyaalka amni ee dalkeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxyaabaha dhacay waa inay u noqotaa cashar uu wax ka barto iyo qiil uu wax ku saxo.

Marka uu Amiir Ku Xigeenkii hore ee Al Shabaab uu xil wasiirnimo ah ku abaalmariyo. Marka wasaaradaha ay hoostagaan ciidamada uu hogaan uga dhigay shakhsiyaad taariikhdooda lagu hubo iney Shabaab soo mareen. Marka hay’adihii ugu xasaasiyadda badnaa uu u dhiibay rag shaqaale u ahaa Alshabaab maxay tahay natiijada uu filan karo?

Wajigabax xanuun badan ayaa gaaray sumcada iyo kalsoonida lagu qabi karo amniga dalka. Madaxweynuhu hadduusan isbaddal degdeg ah ku samaynin qaab dhismeedka hoggaanka amniga dalka, waxa la filan karo waa fashal amni, oo kasii fool xun inta dhacday.

Waxa dhacay waa dayac amni, oo hadii uu Madaxweynuhu qaadi waayo tallaabo u qalanta isku badali doonta dayac hogaamineed.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto intii ku dhimatay weerarkaas foosha xun, intooda dhaawaca ahna uu caafimaad taam ah siiyo.

Previous articleDowlada Somalia oo mar kale ku celisay diidmadeeda heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Axmed
Next articleWasaarada Caafimaadka oo gaadiid Ambulance ah ku wareejisay Maaamulka G/banaadir+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here