Agaasimihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka xiligii Farmaajo Fahad Yaasiin ayaa qoraal goor dhaw soo dhigay barihii bulshada wuxuu talo dhaxal-gal ah siiyay Mucaaradka Golaha Mustaqbalka oo isaga uu ka tirsan yahay.
Fahad Yaasiin wuxuu qoraalkiisa cinwaan uga dhigay Gar-naqsi wuxuuna Golaha mustyaqblka kula taliyay iney aqbalaan in Madaxtooyada ay ka dhacdo kulanka NMucaaradka iyo Dowlada.
Hadaba qoraalka Fahad Yaasiin oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
𝗚𝗔𝗥𝗡𝗔𝗤 𝗦𝗜𝗬𝗔𝗔𝗦𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗
Mucaaradka iyaga oo wada dhan haddii ay yimaadeen caasimaddii dalka oo aqbaleen gogoshii wada hadalka, waxaa Madaxweynaha xaq loogu leeyahay inuusan shirkaas fashilmin oo is afgarad iyo guul ku dhamaado.
Madaxweynaha hadduu aqbalay codsigii mucaaradka oo uu gogoshii fidiyey, muddo xileedkiisii sharciga ahaana uu wali ku dhex jiro, waxaa mucaaradka xaq loogu leeyahay in shirka uu ka dhaco guriga qaranka looga arrimiyo ee Villa Soomaaliya.
Haddii mucaaradku diidaan inay Villada tagaan, barito kolka ay madax noqdaan sow kama baqayaan inkaarta haddeer Haybadle Xasan Sheekh kiis walba kaga dhacday inay iyagana qabsato hadhaw!
Haddii Madaxweynuhu shirkaan uusan is faham abuurin sow si sahlan looma oran karayo Madaxweyne Xasan muddo xileekiisii hore buu ka wanagsanaa muddo xileedkiisa labaad? Sow qarka uma joogsanayo inuu dalka gacantiisa ku kala irdheeyo intii yarad ee isku soo hartay ee Xamar ugu yimid iyagoo xal raadis ah?
