Agaasimihii hore ee Nabad sugida iyo sirdoonka Fahad Yaasiin ayaa weerarkii ugu cuslaa oo afka ah ku qaaday Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.
Qoraal uu soo dhigay bartiiaa Facebook oo sidiiaa u qoran halkaan ka akhriso:-
𝙓𝘼𝙎𝘼𝙉 𝙄𝙔𝙊 𝙓𝘼𝙈𝙎𝙀
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan kula yaabay, haddii Raisal Wasaare Xamse Cabdi Barre, afar sano oo xiriir ah uu si qarsoon iyo si muuqata daacad ugu ahaa miyuusan lahayn garasho iyo gobonnimo uu galka doorashada ugu wareejiyo oo uu ku aamino?
Haddii uusan ku wada aamineynin, walba ma quuri kari waayey inuu qayb ka noqdo wada hadallada xaaladda kala guurka. Wallee tan waa mid ugub ah!
Dhanka kale, Raysal Wasaare Xamse, goorma ayay qorraxdu u soo baxaysaa? ma sidaan buu la qabsaday? Middaan baarrinimo lama dhaho ee magac kale haloo bixiyo.
Mudane Xamse haddii uusan si tartiib tartiib ah usoo noolaanin, wixii 15,ka May ka danbeeya, waxaa lagu qorayaa inuu yahay Raysal Wasaarihii ugu horreeyey ee muddo xileed buuxa dhamaystay iyo kii ugu horeeyey ee wada hadallada doorashada aan wax matalaad ah ku joogin. War illeen tanoo kale!
