Fahad Yaasin oo ah agaasimihii hore ee Nabad sugiga iyo sirdoonka Qaranka Somalia ayaa war qoraal ah oo uu goor dhaw soo saaray wuxuu gabi ahaanba meesha ka saaray in Israa’iil wax aqoonsi ah siisay marka dhanka sharcida laga eego.
“Somaliland wax aqoonsi ah kama helin Isaarii’iil oo Golaha Fulinta ama Barlmaanka (Knesset) midna lama marsiinin” ayuu yiri Fahad Yaasin
Qoraalka oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
𝗦𝗢𝗠𝗔𝗟𝗜𝗟𝗔𝗡𝗗 𝗠𝗜𝗬𝗔𝗔 𝗟𝗔 𝗔𝗤𝗢𝗢𝗡𝗦𝗔𝗗𝗔𝗬?
Waa musiibo marka hoggaamiye uu dadkiisa u horseedo tallaabo uusan siyaasad ahaan iyo sharci ahaan midna u fahmin.
Somaliland wax aqoonsi ah kama helin Isaarii’iil oo Golaha Fulinta ama Barlmaanka (Knesset) midna lama marsiinin oo xitaa xeerarka iyo qawaaniinta ay Israa’iil leedahay kuma qotonto ictiraafkan la sheegay iney heshay Somaliland.
Mashxaradda ka dhacaysa maamulka Cirro, waxay heleen waa saxiixa Netenyaahu oo ah go’aan siyaasadeed iyo dikreeto maamul oo kaliya ah.
Hoggaanka Netenyahu hadduu is baddalo ama xaaladda gobolka wax ku soo kordhaan, warqad kale oo dikreeto ah ayaa lagu burin kaa ama in laga aamuso oo aanan lagu dhaqmin ayaa ku filan.
Shacabka Somaliland ha ogaadaan in maamulka Cirro uusan wax sharciyad haysata u keenin ee uu caadifaddooda ku ciyaaray.
Qoraalkan ugama doodeyno sax miyaa mise waa khalad falka uu Cirro ku kacay ee waa sharaxaad muujineysa in dareenka dadweynaha Somaliland loo sheegay wax been abuur ah.
