HomeWarkiiFahad Yasiin oo amaan iyo weerar afka ahba isugu daray Madaxda hada...

Fahad Yasiin oo amaan iyo weerar afka ahba isugu daray Madaxda hada hogaamineysa Dowlada Somalia 

MUUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Agaasimihi hore ee Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad yaasiin ayaa shalay dood su’aalo weydiin ah wuxuu kaga hadlay arimo amniga caasimada ku saabsan isagoona Dowlada madaxweyne Xasan amaan iyo dhaliilba isugu daray.

Ugu horeyn Fahad yaasiin wuxuu qirey in Dowlada hada jirta ee Madaxweyne Xasan hogaaminayo ay amniga caasimada xaqiijisay taasoo lagu gaaray kaamirooyinka qarsoon ee xamar oo dhan laga hirgeliyay balse Fahad yaasiin wuxuu xusay in Dowladii uu isagu ka tirsanaa ee Farmaajo iyo isagu hogaaminayeen inay bilowday waliba isaga si shaqsi ah uu hoygiisa ugu xirey balse ugu danbeyn Dowlada hada jirta ay dhameysirtay qorshahaasi.

Mucaaradka Dowlada ee xiligaan gaar ahaan kuwa mar kasta dhaha Muqdisho amni maaha ayuu Fahad yaasiin soo hadal qaaday isagoona xusay inuuba garan la’yahay waxay amni u yaqaaniin xili uu Fahad yaasiin ahaan uga mahad celiyay Dowlada hada jirta sida ay amniga xamar u hagaajiyeen.

“anaga xiligeeni amni waajiray ee nimanki amni majiro kuqeylin jiray ayaa xarooday lakiin anagu Kudaysan meyno oo waa uqireyna sababtoo ah iyagu markaas Villada inay galayaan rajo kama aysan qabin lakiin anagu inaan kala wareegeyno ayaan ognahay”. ayuu yiri Fahad yaasiin

.Dhanka kale Dowlada gaar ahaan Madaxweynaha ayuu ku dhaliilay sida uu u wajahayo  qadiyada talaabadii Yuhuudu qaaday ee ay Somaliland ku aqoonsadeen isagoo xusay in Madaxweynuhu faa’ido siyaasadeed ka raadinayo halkii la rabay inuu la rabay sida qaranimo leh inuu u galo.

Dhanka kale Dowlada wuxuu ku eedeeyay inay sirdoon ahaan & siyaasi ahaanba, ay ka war haysay dhacdadii lagu aqoonsaday nidaamka Waqooyi Galbeed ee Gooni-u-goosadka ah,wuxuu ku carabka ku adkeeyay in Dowladu ka gaabisay  hannaanka ay u maareysay gaar ahana ka-hortagga & ka dabatagga qadiyadaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -