WARSAXAAFADEED: Qaraarka ay soo saartay Maxkamadda Sare ee ku aaddan Cabashadii uu u gudbistay Fahad Dahir, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS.

 

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Fahad.

Waxaan Maxkamadda Sare ee dalka u gudbistay 9kii Abriil 2022 cabasho lid ku ah go’aankii siyaasadeysnaa ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ay ku hakiyeen natiijada tartankii daaha furnaa ee aan u galay kursiga HOP086.

Qabashada kiiskan ee Maxakamadda Sare iyo tallaabooyinkii ka dambeeyay ee ay qaaday kuwaasoo ay ku dalbatay in labada dhinacba ay soo gudbiyaan dulucda doodaha ay qabaan iyo dhagaysiga labada dhinac ee warbaahinta laga tabiyayba waxay caddeynaysaa in Maxkamaddu ay gudagashay gar-maqalka cabashadan.

Si kastaba ha ahaatee, markii aan si qotodheer uga baaraandagay qaraarka ay soosaareen garsooreyaashu, waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed la wadaago inaan ixtiraamayo qaraarka kasoo baxay Maxkamadda Sare, oo ah hay’adda ugu sarreysa ee garsoorka dalka, kaasoo ay ku sheegeen in aysan awood u lahayn go’aan ka gaarista gal-dacwadeedka.

Fahad Daahir La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS
20ka Abriil, 2022

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here