NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Fal-celin ay ka muuqato cadownimada loo qabo Soomaalida ayaa laga bixiyay wareysi ay dhawaan bixisay hooyo Soomaaliyeed oo wiilkeeda lagu dilay banaanbixii Nairobi ka dhacay doraad.
Hooyada ayaa wareysi sy siisay KTN TV waxay laga wareystay geerida ku timid wiilkeeda balse dadka comments ama ka fal-celinayay warbixinta Tv-ga ayaa intooda badan waxay muujiyeen inay ku faraxsan yihiin dhimashada wiilka Soomaaliga ah.
Fal-celinta ay cadaawada ku muujiyeen shacabka Kenya ayaa ahayd markii ay dhamaantood si isku mid ah qoraaladooda ku muujiyeen hal erey oo ahaa isagoo Soomaali ah maxaa ka galay banaanbax dalkeena ka dhacaya ha dhinto.
Marka dhanka siyaasada laga eego dadka falcelibta nuucaan ah bixinaya waxay u badan tahay inay yihiin shacabka kuwooda taageersan siyaasada Madaxweyne Ruto maxaa yeelay kuwa mucaaradka waaba kuwii uu la socday.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM