Boqolaal dad ah oo baraha bulshada aad u isticmaala ayaa u Comenti ugu daatay Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo markii uu usoo hambalyeeyay gudoonka cusub ee maanta loo doortay Golaha Baarlamaanka Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Somalia.
Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa si aad ah uga fal-celiyay go’aaka uu Farmaajo ugu hambalyeeyay gudoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen ,inta badan dadka weerarka ku ahaa Postiga Farmaajo waxay ku xifaaleynayeen oo aad hadal heynta ugu badnaa magaca ROWDO oo ah Gabahadhii Farmaajo hore xiligiisii u weydiisay su’aashii ku saabsaneyd maxaa idinka qorsheysan masiirka reer SSC Khaatumo kadibna uu uga jawaabay kama jawaabi karo.
“Roodo abaayo su’aashaada weey igu adag tahay kama jawaabi karo raali iga ahoow baad shalay laheyd marki suaal lagaa weydiiyay masiirka reer khaatumo maantana adiga oo nool baa inta maamul loo sameeyay misane hambalyo kaa dhaceyso Prof HSHM baa sababay midaas Maxamadoow” ayuu ku yiri comentiskiisa qof Facebook ku soo gala Suleybaan Yuusuf
Qof kale oo ku soo gala Facebook Philos Warsan Dahiye ayaa isna sidan qoo qorey:-Â Â Roodo suaasha waa igu adagtahay waa laga gudbay somahan mudane? Hada wad ka jawaabi kartaa suaashi.
Axmed Shiine qof ku soo gala ayaa isna sidan soo qorey:-Farmaajow maanta yaa kuu uduceyeey mise waa lagaa jabsaday page ka, ugu dambayn waqooyi bari afkaaga waa karay guulayso madaxweyne kkk
Qoraalka Xildhibaan Farmaajo ku soo hambalyeeyay ayaa sidan u qornaa:-

