Falastiiniyiinta ku sugan magaalada Gaza ayaa sheegay in aysan ka bixi doonin guryahooda kadib markii Israa’iil ay ansixisay qorshaha ay militariga kula wareegayaan magaalada Gaza.
Dhowr waddan oo Yurub ah, Golaha EU-da iyo Shiinaha ayaa dhaleeceeyay qorshahan ay wadato Yuhuuda iyagona si cad uga soo horjeestay xooga ay adeegsanayso Israa’iil,
Sidoo kale Xamaas waxay sheegtay in Israa’iil ay dayaceyso maxaabiista Israel.
Afar qof oo kale ayaa gaajo u dhintay 24-kii saac ee la soo dhaafay, Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa tiri, taasoo ka dhigeysa wadarta tan iyo Oktoobar 7 ilaa 201.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa ku dhintay ugu yaraan 61,330 qof, waxaana ku dhaawacmay 152,359. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
