Waxaa loo bixiyay faatima waxay sheegtay inay Baaritaan dheer sameysay in ay diinta islaamka ay tahay diinta xaqa ah, Nabbada, Cadaalada, Naxariista, iyo Sinaanta waxay sheegtay inay cidna kala tashan markay diinta islaamka qaadatay.

Waxay tiri” waxaan is weydiiyay sababta Nacaybka badan hinduusigu ugu muujinayaan Muslimiinta waxaan bilaabay aqrinta Qur’aanka Anigoo ah qof dhexdhaxaad ah.

Markaas ayaan xaqiiqda ogaaday, hadda waxaan ka jecelahay islaamka nafteyda.

Waxaan ka codsanayaa Muslimiinta inay Qur’aanka baraan qof kasta oo la joogo.

Waxay tiri ” Marka hore waxaan haystay buug cajiib ah wax micno ma laheyn Guryaha ayaan ku dhex aqrin jiray, Laakiin Qur’aanka Kariimka ah wuxuu ka hadlayaa wax walba oo aduun iyo aaqiro ku saabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here