HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Hargeysa ayaa xaqiijinaya inuu xalay saq dhexe shil gaari ku dhintay Alfanaan Safwaan Halac oo ka mid ahaa fanaaniinta reer Somaliland ee sida weyn caanka u ahaa, shilka ayaana ka dhacay wadada labada boqol ee Magaalada Hargeysa.
Fanaankaan oo dabecad ahaan aad loo amaanay ayaa la xsoo sheegayaa inay shil kula jireen laba gabdhood oo asxaabtiisa ka mid ahaa kuwaasoo uu soo gaaray dhaawacyo culus .
Alfanaan Qamar Suugaani oo ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay arin muragadeeda leh taasoo ah in dhaqaatiirta iyo Hay’adaha amniga Maamulka Somaliland diideen inay daweeyaan gabdhihii shilka la galay Fanaanka Safwaan Halac kuwaasoo dhiig baxaya,.
Dhaqaatiirka iyo Booliiskuba waxay leeyihiin ehalada gabdhaha oo aan iman lama dawaynayo taasoo dhibaatadeeda leh qof dhiig baxaya oo damiin iyo ehel lagu xujeynayo.
DAYNIILE.COM


