HomeWarkiiFanaanka Dayax-Dal-nuurshe oo goor dhaw ka jawaabay war reerkiisa ku saabsan uu...

Fanaanka Dayax-Dal-nuurshe oo goor dhaw ka jawaabay war reerkiisa ku saabsan uu shaaciyay siyaasi C/raxmaan Caynte

Siyaasiga C/raxmaan Caynte oo hore Wasiir usoo noqday ayaa munaasabad uu Muqdisho kaga qeybgalay wuxuu ka sheegay hadal baraba bulshada ka dhaliyay hadal heyn badan.

C/raxman Caynte ayaa munaasabada oo Dayax Dal-nuurshe uu fadhiyay wuxuu ka sheegay in Qabiilka Shiikhaal lagu xanto inay Munkarka iyo Kheyrka Muqdiaho iyagu fure iyo xire ka yihiin.

Ceynte wuxuu goobtaka sheegay in  aroosyada subiixii uu kheyr ku furo  Sheekh C/xayi madama uu isagu dadka isku mehriuo halka Dayaxna uu habeenkii he’s oo munkar ah ku soo qatimo oo isla arooskii ah.

Dal-nuurshe oo goordhaw ka jawaabay ayaa ku sheegay hadalka Ceynte kaftan iyo inuu cadeeyo halka fanaan ee Muqdisho inuu isaga yahay waa sida uu warka u duigay.

Hadaba jawaabta Alfanaan Dalnuurshe oo sidaasa u qoran halkaan ka akhriso

Kaftanku waa xalaal waana furanyahay marka dad madal ku kulmaana in mowdooc ka duwan goobtaa oo atlest kaftan ah leys yiraah waa caafimaad,

Heesuhu Waaba munkaroo kaftan & runba waa xaqiiq balse isagu sidaa ulama jeedine Wuxuu qiraal ku sheegay ina fanaan aan Dayax Dalnuurshe aheyn habeenkii ka heesin xamar waana runtiis oo intaasba dadaal dheer ayaan usoo galay ineey dhacdo waa marka dhanka positive-ka saxda ah laga eego

Sida kale raga ninkaas Musharaxa ah mucaaradka ku ah ee loolanka kala dhaxeeyo yeeysan dayax & shiikhaal ugusoo gambane tooskiina u abaara Aniga & reerkeygaba waa nala kaftamay ee nama xumeyn Hana ku guuleesto safarkiisa madaxnimo idim alle,

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -