Ku: Martiini Hospital

Ugu horeyn Waxaan ka xumahay qoraalka masuuliyadu aysan ku jirin ee ka koobna been iyo aflagaado ee uu maanta Facebook ku soo daabacay DrJalaaludiin Yuusuf Ahmed oo ah agaasimaha Hospitaalka Martiini waliba xilkan noo haya xiligii umada Soomaaliyeed ugu baahi badneyd. Qoraalkaas waxaa uu ugu gefay wariyaal aan kamid ahay. Agasime anigu kuma caynayo lkn hadalkaaga waxaan ka qaadanaa heerka masuulidaada iyo waxqabadka aan shaqsiyan kaa sugeyno.

Saaka ayaan qof bukaan ah geeyay Martiini Hospital, bukaanka aan geeyay isbitaalka oo xaalkiisu normal ahaa waxaa naloogu sameeyay daryeel wanaagsan.

Shaqaalaha isbitaalka waxaan qiraa in ay yihiin kuwo naftood noo huray mudan in la siiyo abaalmarino ay ku farxaan, waxaan la yaabay naxariista ay u sameyaan bukaanada iyo in ay dadaaleen karaankoodii ugu weynaa, hayeeshe waxaa iiga muuqata in ay u baahan yihiin iyaga la siiyo qalabka safety Maadama ay hayaan shaqo qatar ah.

Waxyaabihii aan arkay saaka waxaa kamid ah in la keenay qeybta gargaarka degdeg ah bukaano xaalkoodu halis yahay, hayeeshe shaqaalaha isbitaalku ay cadeeyen in ay u baahan yihiin ICU, Waxeyna shaqaalihi shiftga ku jirin ay sheegen in isbitaalka qeybta ICU ay buuxdo, aysana u heynin meel ay geeyen.

Bukaanada aan la kulmay ee loo waayay ICU waxaa kamid ahaa hooyo xaamilo ah oo ehelkooda ay ku wadeen haan yar oxygen ah oo laga soo siiyay isbitaal kale neefteeduna waxeey mareysay 30, waxaana loo cadeeyay in aanan masuuliyadooda daryeel aan la qaafi karin maadama meel aan loo heynin.

Hadaba waxaan weydiinayaa su,aalahan walalkey DrJalaaludiin hadii xaqiiq nala wadaagayo?

1. Agaasime Turkiga ayaad joogtaa mudo, markaa maxaa xiligaan adag uga maqantahay masuuliyadaadii?

2. Qeybta ICU- isbitaalka 10 qof kabadan halkii mar maloogu adeegi karaa?

3. Maxaa Farmashiyaha daawadii loogu wasaaradu ugu tagashay looga wayey, ma awood yari mise waxaa loo daneeyay farmashiyaha albaabka isbitalka uu ka furtay qof aad taqaano? .

Isbitaalka Martiina maanta anagoo dhan ayaa u baahan xiligaan, xaqiiq in aan ka sheegno waa danteena.

Fadlan agaasime raali gelin ka bixi qoraalkaagii gefka iyo masuuliyad darada ahaa, kana soo jawaab cabashooyinka bulshada adigoob caaytamin dal dheerna jirin. Masuuliyadun kaa muuqato. Mahadsanid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here