Wararka naga soo garaayo gobolka mudug ayaa shegaaya in duqeyn saacado socotay kooxda Alshabaab looga gubay gaadiid dagaal sidoo kalana looga dilay dagaalamayaal aad u fara badan.

Duqeyntaan ayaa ka dhacday howd iyo dhufeysyo godad ah oo ku yaal deegaanka jeex jeex ee koonfurta Gobolka Mudug.

Advertisement

Wararka ayaa intaa ku deraaya in ciidanka dowlada, daraawiishta galmudug iyo ciidanka degaanka ee macawisley ay  gudaha u galeen goobta la duqeeyay.

Ilaa iyo hada faahfaahin rasmiya lagama helin tirada gaadiidka laga gubayu Alshabaab iyo inta dagaalame ee ku dhimatay weerarkaasi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleXuutiyiinta oo weeraray Markab Ganacsi
Next articleDhimashada shacabka Gaza oo ku dhaw 21-kun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here