Waxaa goordhaw banaan bax looga soo horjeeday Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sidoo kale lagu taageerayay Saadaq Joon uu ka dhacay xaafada Shiirkole iyo xaafado kale oo ku dhaw dhaw.

Dad shacab ah oo la sheegay in si iskood isku soo abaabuleen ayaa isugu soo baxay xaafadaha Shiirkole iyo Black Sea , waxa ayna dadkan ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo iyaga oo sidoo kale taageero u muujinayay Saadaq Joon.

Dibad baxayaasha qaarkood ayaa ku dhawaaqayay Farmaajo ha dhaco iyo waqti kororsi dooni meyno, waxa ayna sheegeen in aysan marnaba raali ka aheyn mudo kororsiga dowlada uu hogaamiyo Farmaajo loo sameeyay.

Sida aan wararka ku helnay dadka banaan baxa dhigayay waxaa waardiyo ka hayay ciidamo ka amar qaata taliyihii hore ee booliiska Gobolka Banaadir Saadaq Joon oo caawa isaga ciidan badan wata mar kale ku laabtay xaafada Shiirkole.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Beesha Habar Gidir ayaa caawa ku sugan xaafada Shiirkole, Xildhibaanadan ayaana la filayaa in goordhaw Warbaahinta halkaasi kula hadlaan.

Waxii warar ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here