Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Maanta khudbad ka jeediyay munaasabadda  62 sano guuradii kasoo wareegtay Aas’aask Ciidanka xoogga dalka ayaa ka hadlay dhismaha Ciianka xoogga dalka, horumainta lagu sameeyay & qorshaha xiga ee la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in Ciidamada xoogga dalka ay ahaayeen kuwo la xurmeeyo oo ka tilmaamay dalalka Afrika siina horumari karaan Ciidamada hadii ay noqaan kuwo wadaniyiin ah oo laga saaro qabiil qabiil.

Waxaa uu tacsi u diray Saraakiisha iyo Ciidamadii u geeriyooday, iyaga oo dagaal kula jira Ururka Al-Shabaab, isaga oo caafimaad u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay dagaalada.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed aysan aheyn kuwo dad gar ah leeyihiin balse ay yihiin wadaniyiin, isla markaana ugu Shaqeyn doono si wadaniyad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here