HomeWarkiiFarmaajo iyo Shariif oo hada wada-jir u qabanaya shirkii shalay ka baaqday

Farmaajo iyo Shariif oo hada wada-jir u qabanaya shirkii shalay ka baaqday

May be an image of one or more people, dais and textMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynayaashii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hada ku wada sugan guriga Degmada Wada-jir uu ka degan yahay Shariif waxaana lagu wadaa inay warbaahinta wada-jir ula hadlaan.

Shirkada labadaan masuul waxaa lagu wadaa inay kaga hadlaan  halka ay mareyso siyaasada Somalia ,gaar ahaan xiisadda ka taagan Muqdisho ee dhanka khilaafaadka iyo dagaalada ee  u dhexeeya Dowlada iyo mucaaradka.

Shariif iyo Farmaajo waxaa lagu wadaa inay cadeeyaan mowqifkooda ku aaddan arrimaha amniga iyo qorshayaasha Dowlada ee cadaadis ku saareyso mucaaradka iyo waliba hub ka dhigista Dowladu ka bilowday Xamar.

Shirka Jaraa’id ee Shariif iyo Farmaajo wixii ay ka soo saaraan wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan hadii Rabi idmo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -