MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Golaha Shabacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh xarunta Vila Hargeysa halkaasoo ay ka sii anaba qaadayaan shirarkoodii caadiga ahaa.

Advertisement

Kulanka waxaa uu daba socdaa kulamadii hore u socday ee looga hadlaayay arimaha dastuurka, gaar ahaan wax ka badalkiisa iyo ansixintiisa.

Maanta oo Isniin ah kulanka waxaa looga hadlayaa cutubka 3-aad ee wax ka badalka Dastuurka wuxuuna leeyahay maanta xiisa gaara madaama la guda galayo qodobada sharaxaya in dalka loo badalo nidaamka Madaxweyne iyo Madaxweyne Xiseen lagana guuro nidaamka Ra’isulwasaare.

Qodobkaan waxaa si weyn uga soo horjeeda siyaasiyiinta mucaaradka xukun doonka, waxaana la hadal hayaa inay maanta xaadiri doonaan shirka labada Xildhibaan iyo madaxweynayaashii hore Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed.

Farmaajo sidii uu xukunka uga degay kulankaan ayaa u noqonaya kii ugu horeeyay oo uu fadhiyada Baarlamaanka soo xaadiro madaama uu xildhibaan yahay.

Farmaajo iyo Shariif oo lagu xanto inay isbahaysi siyaasadeed leeyihiin ayaa doonaya inay fadhiga iyo dooda maanta saameyn ku yeeshaan si ay uga hor tagaan qodonka Madaxweyne xigeen in dalku yeesho islamarkaana Ra’iisulwasaare loo kansalo.

Wixii ku soo kordha kulanka Baarlamaanka ee saaka wararkeena xiga ayaad kala socon doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleDAAWO: Shirkadaha Diyaaradaha oo ka shifay qorshe qatar ah ay wado wasiirada Gadiidka
Next articleWasiirka Warfaafinta oo la wadaagay Madaxweynaha Zanzibar dhambaal uu kaga sido Madaxweyne Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here