Bayaankii ka soo baxey caawa beesha hawiye

Kadib shirar aan kala go’ laheeyn oo Ilaa manta galinki danbe usocday Beesha Hawiye Iyo Madaxwaynaha Galmudug Qoorqor.
Waxaan Idiin Xaqiijinayaa In laysla gaaray go’aano waaweyn.

Kadib markii la ogaaday In Madaxwaynihi hore hoosta kariixayo dagaal ka qarxa Muqdisho.
Kadib markii lagu xisaabtamay In magalada Muqdisho oo uu dagaal kabilowdo Burbur wayn uhorseedi doonto hanaanki dib uheshiisiinta Somalia.Kadib markii la xaqiijiyey In haduu magaaladu dagaal kadhaco dhibka ugu badan uu shacabka soo gaarayo.

Waxay Beelwaynta Hawiye, dhaqankooda,Siyaasiyiintooda, ganacsatadooda Iyo Waxgaradkooduba,
Ay hoosta ka xariiqeen Farmaajo Inaanu kursi doon aheeyn ee uu yahay dhiig doon raba Inuu dalka dagaal sokeeye kuceliyo misna uu doonayo In Muqdisho Isla holciyo Isagoo adeegsanaya gacma wada dhashay Iyo gacmo kuwa ciil qabayaal ah.

-Guud ahaan belwaynta Hawiye ee caawa shiray waxay soo saareen go’aanadan.

1-Beeshu waxay kalsoonidii kala laabatay Nidaamka uu sii hayaha madaxwayne kayahay Farmaajo.
2- Waxay beeshu soo jeedisay In si dag dag loogu dhowaaqo maamul madaxbanaan oo uu gobolka Banaadir yeesho.
3-In madaxwayne Qoorqoor uu uhogaansamo guud ahaan ajandaha siyaasaded ee besha uu kursiga kumatalo.
4-In raiisul wasaare Rooble uu cadeeyo ajandayaashiisa siyaasadeed uuna kamadax banaanaado Villa Somalia, si ay u aaminaan Somalida kale.Maadaama madaxwaynihi hore uu qaswade Isu badalay.
In wada hadalada Iyo shirarku sii socdaan maalinka beri ahna loo yeero Guudlaawe Iyo Rooble.Sidoo kalena go,aan cad lagasoo saaro wadahadalaas.Wabilaahi towfiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here