MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Somalia Xildhibaan Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa caawa war ka soo saaray talaabada ay maanta qaaday Israa’iil taasoo ah inay aqoonsatay maamulka Waqooyiga Somalia ee la baxay Somaliland.
Farmaajo wuxu sheegay inay sharci daro tahay talaabada ay qaaday Israa’iil marka loo eego shuruucda caalamiga ah.
“Sharciga caalamiga ah wuxuu dhigayaa in Israa’iil ay u hoggaansanto oo ay ixtiraamto madaxbannaanida dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya” ayuu yiri Xildhibaan Farmaajo
Mar uu ka hadlayay Somaliland ayuu carabka ku adkeeyay in Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya,sidoo kale dhanka shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay inay yihiin dad si adag uga midaysan difaaca qaranimadooda.
“In la aqoonsado qayb ka mid ah Soomaaliya ayaa gebi ahaanba jebinaysa arrintan” Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, Dadkeennu waxay si adag uga midaysan yihiin difaaca qaranimadooda” ayuu mar kale yiri Madaxweynihii hore ee Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

