HomeWarkiiFarmaajo muxuu ka yiri dagaalkii cuslaa ee ka dhacay Deegaanka Kudhaa

Farmaajo muxuu ka yiri dagaalkii cuslaa ee ka dhacay Deegaanka Kudhaa

Madaxweynihij hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa war qoraal ah uu goor dhaw soo saaray wuxuu kaga hadlay dagaalkii shalay iyo Doraad ka dhacay Deegaanka Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid cuius islamarkaana doraad Alshabaab qabsadeen Deegaanka Kudhaa walow shalay dib looga saaray markii ay iskaashteen Milateriga Somalia iyo Ciidamada Jubaland ayuu Farmaajo bogaadiyay ciidamada guusha ay ka gaareen dagaalkaani.

Qoraalka Farmaajo ayaa sidan u qoran:-

Waxaan bogaadin iyo dhiirrigelin u dirayaa geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo guul muhiim ah ka keenay dagaalka sifeynta ah ee ay kula galeen argagixisada Alshabaab deegaanka Kudhaa iyo nawaaxigiisa.

Guushan waxa ay muujinaysaa naf-hurnimada iyo geesinimada Ciidamada Soomaaliyeed oo duruuf kasta u taagan difaaca iyo xoreynta dhulkeenna, ayna ka go’an tahay cirib-tirka argagixisada duullaanka ku ah nolasha iyo dowladnimada shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ku adkaynaynaa in ay xoojiso mudnaan-siinta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Alle waxaan naxariistiisa Janno uga baryayaa halyeeyada u shahiiday guushan taariikhiga ah, samir iyo iimaanna u naga siiyo, waxaanna bogsiimo degdeg ah u rajaynayaa ciidamada dhaawacyadu soo gaareen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -