HomeWarkiiFarmaajo muxuu ka yiri shirkii Madaxweyne Xasan la yeeshay madasha samatabixinta mucaaradka

Farmaajo muxuu ka yiri shirkii Madaxweyne Xasan la yeeshay madasha samatabixinta mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa war ka soo saaray  shirkii dhawaa  Madaxweyne Xasan la yeeshay madasha samatabixinta mucaaradka.

Qoraalka Farmaajo ayaa sidaan u qornaa:-

War saxaafadeedkii ka soo baxay Madaxtooyada JFS, kaddib kulankii dhexmaray qaar kamid ah madaxda mucaaradka Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu noqon karaa bilow wanaagsan oo loo qaaday dhanka xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagnaa arrimaha masiiriga ah ee taabanaya dastuurka dalka, siyaasad loo dhan yahay iyo hannaanka doorashada dalka, waxaana soo dhaweynaynaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aqbalay in dhexda la dhigo arrimaha masiiriga ah ee la isku diidanaa.

Waxaan sidoo kale markale hoosta ka xariiqaynaa kuna baaqaynaa in Dastuurka KMG ah ee ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay sanadkii 2012-kii uu yahay tiirka isku haya dalka, sidaa darteedna wadahadal kasta oo dhacaya waxaa lagama maar-maan ah in Dastuurka uu saldhig u noqdo xal u helidda arrimaha masiiriga ah.

Waxaan sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud usoo jeedinayaa inuu qaato kaalintiisa dastuuriga ah ee isku haynta iyo midnimada dalka, sidaa darteed waxaa lagama maar-maan ah in Madaxweynuhu qaato mas’uuliyadda ka soo qeybgalka shirka ee Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland uuna si toos ah ugu martiqaado shirka loo balamay saddexda bisha luuliyo oo muhiim u ah in dalku yeesho jiho siyaasadeed oo loo dhan yahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -