MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Somalia.
Farmaajo oo barihiisa bulshada ku bayaaniyay ujeedka shirka ayaa sheegay inuu kala hadlay xildhibaanada ilaalinta dowladnimada,midnimada iyo marxalada kala guurka sidii loo maareyn lahaa.
“Waxaan kulan casho sharaf iyo is-xogwaraysi ah wada qaadannay Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, annaga oo ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka, ilaalinta dowladnimada, midnimada iyo maareynta marxaladda kala guurka ah ee dalku ku jiro” ayuu yiri Farmaajo .
Madaxweynihii hore mar uu ka hadlayay cid lahayd fikirka kulanka ayuu xusay in Xildhibaanada labada aqal ay iyagu booqasho ugu yimaadeen halka uu Muqdisho ka degan yahay xili uu uga mahadceliyay.
“Waxaan uga mahadceliyey Xildhibaannada booqashada iyo kulanka wadatashi ee ay iigu yimaadeen, anigoo ku adkeeyey sida ay muhiim u tahay in ay mudnaanta siiyaan ka shaqeynta midnimada iyo ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay aasaas u tahay ilaalinta dastuurka iyo shuruucda heshiiska lagu yahay” ayuu mar kale ku yiri qoraalkiisa musharax Farmaajo .
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM















