FARMAAJO MUXUU KU DIIDAN YAHAY MIDNIMADDA

0

Wadamada horumaray waxay qorshayaashooda koowaad ku darsadeen sidii ay u heli lahaayeen Xulufo & Gaashaanbuur ay iska kaashadaan Srimaha Dhaqaalaha,milatariga ,Siyaasada iwm
taasi waa ta keentay in maanta Yurub isu habarwacato,dajisana istiraatiijiyo cusub oo ay ku wajahdo CAALAMKA, kuna talaabsato inay midayso lacagteeda, qorshaysana inay noqdaan hal wadan oo hal meel looga arimiyo.

Maraykanka oo ah wadamada maanta caalamka ugu tugtugta roon ayaa wada hindise la magac baxay (Union of North America) oo uu doonayo inuu ku gaashaan buuraysto wadamada Canada & Mexico kaas uga dan leeyahay inuu helo cudud kale oo isaga ka baxsan .

Waa suaale Muxuu maraykan oo ku dhaw 300 oo milyan xulufo u raadinayaa soomaali oo 10 milyan ahina midnimo u saluugtay?

Gabyaa soomaaliyeed baa yiri

Amaan ma lihid shacabkoow hadaan aad u fiirsadaye
anfariirka Shiinaha dhigay ee Yurub ka uugaantay
ee Alif malyuun gaadhayaa waa Fartaa qudhahe!
idinkoon Ardaa buuxin baad kala irdhoowdeene!

Waxaan Aragnaa In FARMAAJO uu diidan yahay Midnimadda Soomaaliyeed oo Xitaa kasban Layahay Maamulgoboleedyadda ugu Muga weyn Soomaliya.oo waxaa Maantey Dhacday in Aysan Mogadishu isku aamini karin sababtoo ah FARMAAJO oo ku caan Baxay in uu iska weeraro Siyaasiin sidii uu sameeyey 19 February 2021

Walala sida kale Somaali loo Mideyn karo waa in FARMAAJO laga horleexiyo ummadda

Kadibna waa inaan u guntano sidii aan u Midoobi lahayn isuna kaashan lahayn, Muruq & Maskaxna aan isugu geyn lahayn.

Waxaan ku soo xidhay akhristow ogow inaan Midnimada Marnaba lagu khasaari Doonin

Adigu Maxay Kula Tahay ?

#SHARE_ #LIKE_MY_FACEBOOK_PAGE

QALINKII

Nabadoon Cabdi Colow Cumar Sugulle ( BA)
Afhayeen,Nabadoon, Aqoonyahan, Siyaasi, ahna
La taliye.

Mentor, Traditional Elder, Community leader,
Political Advisor and Lobbyist, and Consultant )

KISMAAYO JUBBALAND

Wabilaahi Towfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here