HomeWarkiiFarmaajo oo aan lagu casuumin Shirka beri ka furmaya Muqdisho iyo sababta

Farmaajo oo aan lagu casuumin Shirka beri ka furmaya Muqdisho iyo sababta

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shirka u dhexeeya Dowlada Somalia iyo Mucaaradka oo beri lagu wado inuu ka furmo Muqdisho waxaa la xaqiijiyay inaan lagu casuumin qeybna ka ahayn Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo  oo mucaaradka kuwa ugu waa weyn ka mid ah.
Sababta Farmaajo shirkaani banaan joog uu uga yahay ayaa lagu sheegay inuusan ka tirsaneyn Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka intooda kale sida Samatabixinta iyo Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubaland.
Gogoshaan oo ay dhigtay Dowlada Somalia ayaa loogu magac daray gogosha wadatashiga waxaaana ka qeybgalaya dhamaan madaxdii hore ee dalka kuwaasoo  intooda badan xukun doon ah inkastoo uu ka maqan yahay Farmaajo.
lCasuumaada Dowlada ayaaba lagu cadeeyay in shirku u dhexeeyo Dowlada iyo Golaha Mustaqbalka, lamana yaqaan in Dowladu si gaar ah ula fariisan doono siyaasiyiinta shirkaan ka maqan sida Farmaajo iyo in laga dul boodi doono.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -