Waxa maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee fowdada iyo gacan ka hadalka leh waxay inoo muujinayaan khatarta dalka ku soo wajahay, mar haddii amarka iyo kala danbeynta ay faraha ka baxaan, waana meesha ay dhici karto in dalku u jiheesto, uuna noo wado Maxamed Cabdulahi Farmaajo madaxweynaha uu xiligiisu dhamaaday.

Dalkani dagaal, burbur iyo fowdo wuu ka soo daalay, dibna uguma laaban karo, marka waxaan leeyahay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaad maanta heysataa oo ku hortaala fursad dahabi ah oo aad dalka kaga soo celin kartid wadada mugdiga ah ee uu ku soo socdo, oga badbaadin karto inuu luguha la galo fowdo, burbur iyo dagaallo sokeeye.

Mudane waxaa lagaa doonayaa inaad u turto dalka iyo dadka Soomaaliyeed, qaadatana go,aan geesinimo leh, go,aankaas oo ah inaad dalka dib ugu ku soo celiso geedi socodkii siyaasadeed iyo hannaankii doorasho, meeshana ka saarto damaca gaarka ah iyo riyada muddo kororsiga, ama inaad kursiga baneyso si dadka Soomaaliyeed ayagu aayahooda oga tashadaan.

Waxaa xaqiiq ah in hadalka aan maanta ku leeyahay iyo talada aan kuu soo jeedinayo aad dib u soo xusuusan doonto, dibna u soo milicsan doonta, ogowna taladu maalin ayey kula gudboon tahay, fursadeeduna ay ku hortaala.

W/Q: Musharrax Madaxweyne C/kariim Guuleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here