Farmaajo oo dhawaan ku dhawaaqaya Garab Cusub oo Midowga Musharraxiinta ah. MAXAA ISBADALAy?

Xubno katirsan Xaafiiska Madaxweynihii Waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa iisheegay in markan Farmaajo is dhiibay Taageerayaashiisa Musharraxiinta ahna uu la sameysanayo Middow uu guddoomiye ka yahay isagu.

Ku dhawaaqista Middowgan wuxuu ka leeyahay Labo ujeedo.

1-Inuu hadda is dhiibay oo uu aaminsan yahay in Doorashaddu gebo-Gebo tahay.

2-Inuu ku adeegto Middowgaas Cusub oo warsaxaafadeedyo isaga u danaynaya uu soo saarto.

Halkaas markay marayso waxaa cad in dharbaaxo weyn ay u aheyd Farmaajo in dalka laga Ceyriyo Francisco Madeira iyo inuu hadda kahor aaminsaneyn in dalka ay doorasho ka socoto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here