MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddi dhankiisa ka socda kuwaasoo qeyb ka noqonaya kulan u socda gudiyo ka kala socda Dowlada Somalia iyo qeybaha mucaaradka sida Golaha Mustaqanlka.
Kulankaan gudiyada u dhexee waxaa dhex dhexaadiye ka ah diblomaasiyiin ka socda Dowladda Turkiga,wuxuuna horu dhac ama bilow u yahay kulan weyn oo ay dhawaan isku soo hor fariisan doonaan Madaxda sare ee Dowalada iyo kuwa mucaaradka sida Shariif,Khayre, C/raxmaan C/shukuur iyo Farmaajo.
Shirka Madaxda Dowlada iyo mucaaraka u dhexeeya oo Khamiista loo balansan yahay waxaa la sheegay inay miiska saaran tahay ka hadalka arimaha doorashooyinka gaar ahaana la iskugu soo dhawaan lahaa nuuc doorasho oo wada ogol ku dhaca.
Shirka Khamiista waxaa goob joog dhex iyo dhexaadiyaal ah noqon doona beesha Caalamka oo ay ku jirto Dowlada Turkiga si ay dhinacyada Soomaalida ugu cadaadiyaan in heshiis laga gaaro nooca doorashada uu noqon doono.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
