HomeWarkiiFarmaajo oo jawaab la yaab leh ay kaga timid Xukuumada Dan-Qaran

Farmaajo oo jawaab la yaab leh ay kaga timid Xukuumada Dan-Qaran

May be an image of dais and text that says "SHIRWEYNAHA BULSHADD EE DAAH RKA ISTIRATI URURAD BULSHADDA Theme "Opera Devel ea Between Hum ilding in S"MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Masuulka labaad ee ugu sareeya Xukuumada Somalia ee Dan-Qaran Saalax Axmed Jaamac ayaa jawaab kulul wuxuu ka bixiyay hadal dhawaan Farmaajo ka soo yeeray taasoo uu ku sheegay in Muqdisho ay ka jirto abaartii caga bararka oo kale.

Ra’iisulwasaare ku xigeen 1-aad ee Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay inay jiraan madax dalka soo hogaamisay hadana damac ku jiro oo hadana ku ol-oleynaya abaarbaa dalka ka jirta si uu kursiga ugu soo laabto.

“Maalmahan waxaan maqlayay Niman dalka maamuli jiray, damacna kaga jiro oo leh abaarihii baan wax laga qaban, war abaarahu meel siyaasad laga raadiyo way ka fogyihiin” ayuu yiri Ra’iisulwasaare Saalax.

Masuulkaani wuxuu intaasi ku daray in abaaruhu jireen tan markii uu dhashay Farmaajo haatana ay jiraan sidaas daraadeed ay sii jiri doonaan hadii aan Somali weyn talo isku soo wada ururin islamarkaana aanan la iman qorshayaal waa weyn.

“war doorashada nagala dooda iyo sidaad u geli lahaydeen , yaan la siyaasadeyn abaaraha laakiin aan ka doodno sidii xal waara looga gaari lahaa” ayuu mar kale yiri Ra’iisulwasaare xigeenka

“Halkaan imaada oo shirarkaan oo kale ka sheega wixii cilmi aad nagu soo kordhin kartaan oo na dhaha intaan maqnayn abaaraha waxaanan ka soo fahamnay”ayuu mar kale ka dhawaajiyay

Si kastaba  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa hadaladaasi  maanta ka jeediyay munaasabad uu ku daahfuray Shirweynaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed kaasoo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and dais

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -