HomeWarkiiFarmaajo oo kaanbaynkiisa musharaxnimo ka bilaabay Magaalada Istanbul

Farmaajo oo kaanbaynkiisa musharaxnimo ka bilaabay Magaalada Istanbul

ISTANBUL  (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si rasmi ah uga  bilaabay Magaalada Istanbul ololihiisa kaanbaynka uu ku raadinayo inuu mar kale Madaxweyne kaga noqdo Somalia.

Dadweyne Soomaaliyeed ayuu maanta isugu keenay Magaalada Istanbul kuwaasoo dunida ka kala yimid ,wuxuu usoo bandhigo qorshihiisa musharaxnimo madaama waqtiga doorashada ay soo dhawdahay oo muda xileedka Xasan uu ka harsan yahay wax 10  bil ka yar.

Farmaajo ayaa dhiiri gelin iyo taageero wuxuu ka helay dadkii isugu yimid magaalada Istanbul,Farmaajo wuxuu kulanka maanta u ahaa bilowga kaanbeynkiisa waxaana lagu wadaa inuu hada kadib joogteyn doono kulamada nuucaan ah oo shacab iyo siyaasiyiinba uu kula hadlayo.

Go’aanka Farmaajo uu mar kale isugu sharaxayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili ay garbihiisa ka baxeen saaxiibadiisii ugu dhawaa sida Fahad Yaasiin, Kulane Jiis iyo Cali Yarre kuwaasoo aad ula shaqeeyay kaanbeynkiisii uu hore Madaxweynaha ugu soo noqday Somalia.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -