Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay roobabka waa weyn iyo fatahaadaha wabiyada ee sameynta ku yeeshay dalkeena Soomaaliya.
Qoraal uu soo dhigar bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:-
Dhibaatada soo food saartay kumannaan qoys oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobollada Bay, Bakool, Gedo, Shabeelooyinka, Banaadir, Hiiraan iyo Mudug ee ay sababeen daadadka ku rogmaday gobolladaas waa mid aad u culus oo inoo ka baahan dhammaanteen in aynu u istaagno.
Dadka Soomaaliyeed oo lagu yaqaanno gurmadka iyo is-garabsiinta waxaan ugu baaqayaa in ay si xooggan ugu istaagaan walaalahooda dhibaateysan, lana abaabulo gurmad iyo gargaarka ay naga mudan yihiin xaaladdan adag ee ay ku jiraan.
Alle waxaan naxariistiisa Janno u weydiinayaa dadkii inooga dhintay daadadka ku soo rogmaday gobollo badan oo ka tirsan dalka, waxaana adkeynayaa in loo hogaansamo talooyinka ay soo saarayaan Hay’adaha dowladda ee ku aaddan badqabka iyo goobaha biyo mareenka ah.
Alle ha ammaansado dadkeenna.
Madaxweyne horeMadaxweyne horeMadaxweyne hore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here